DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Marka, Xiisad Taagan iyo Dhaq dhaqaaqa Ganacsi oo aan ka Jirin magaalada

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagantahay.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in ay xiran yihiin gabi ahaan xarumaha Ganacsi ee Magaalad Marka , kadib cabsi xoogan oo dadka shacabka ah ka soo food saartay boob iyo dhac loo geysto goobahooda Ganacsi.

Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Marka ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamo fara badan oo milatari ah ay buux dhaafiyeen Magaaladaasi waxaana uu qeexay in laga cabsi qabo  in Ciidankaasi dhac ka geysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose sidaas darteedna la xiray guud ahaan Ganacsigii Magaaladaasi wuxuuna intaas ku daray in maamul uusan ka jirin Magaalada Marka.

Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaan waxaa dhac xoogan loo geystay goobo Ganacsi oo ku yaallo Magaaladaasi kuwaas oo ay dhac ka geysteen Ciidamo Labisnaa dareeska Ciidanka dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARESYIGA