DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamy deegaano hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada ku dhawaad shan ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana jiro dhaawacyo kale oo labada dhinac soo kala gaaray.

Xaalada deegaanada lagu dagaalamay ee hoostaga magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa iney saaka tahay mid degen, waxaana jira dadaalo la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo oo odayaasha labada dhinac ay wadaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dadka dagaalamay ay ahaayeen kuwo hal meel wada degen balse isku qabtay dhul daaq simeed.

Dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada Galmudug ayaa noqday kuwo soo laalaabta, waxaana maamulka uu sheegay iney wax ka qaban doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-