DHAGEYSO:- Mareykanka oo ka hadlay hubkii loo soo waday Soomaaliya ee gacanta lagu dhigay

0

Doonida hubka badan siday ee la sheegay iney kusoo wajahneyd xeebaha dalka Soomaaliya ayaa la aamisan yahay iney ka timid dalka Iran sida uu baahiyay telefishanka NBC ee dalka Mareykanka.

Ciidamada Badda Australia guutada lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa ka qabtay doonida yar oo lagu qariyay hubka meel 200 oo mile u jirta xeebaha dalka Cuman, waxayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin ciidamo ka kooban dalalka Canada, Mareykanka, UK iyo wadamo kale oo la dagaalama burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Australia ayaanan faahfaanin dheeri ah ka bixin doonidaasi iyo waxay aheyd, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Mareykanka ayaa aaminsan in doonidaasi ka timid dalka Iran, maadaama shaqaalaha ay yihiin kuwo Iran u dhashay.

Hubka la qabtay ayaa ka   koobnaa 1989 qori oo Ak-47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah, 49 PKM oo Russian ah,iyo ku dhawaad 60 hoobiye ah.

Ciidamada badda Mareykanka ayaa markii hore sheegay in doonida ay u socotay kooxaha xuutiyiinta dalka yemen, balse markii dambe ayay sheegeen iney xaqiiqo tahay in hubka uu kusoo wajahnaa xeebaha dalka Soomaaliya.

Dowlada Iran ayaa dhawaan mamnuucday dhoofinta hubka marka loo eego qodobadii kamid ahaa hishiiskii dhanka Nuclear-ka ee la gaaray.

Warbixin sanadkii 2014 ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Iran hub badan ay u dhoofiso kooxda Xamas, iyadoo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu mamnuucay in hubka la dhoofiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-