DHAGEYSO:- Gudoomiyaha G/Banaadir oo $50,000 ku Wareejiyay guddiga dhismaha Wadada Muqdisho iyo Hobyo

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle ayaa Maanta lacag dhan $50,000 kun oo Doolar ku wareejiyay Guddiga dhismaha Wadada isku xerta Muqdisho ilaa degmada Hobyo ka dib Xaflad ka dhacday Xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qeyb qaadanayo dhismaha wadadaasi, isla markaana ay garab taagan yihiin guddiga dhismaha wadadaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle ayaa shacabka gobolka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadooyinka burbursan ee Muqdisho iyo kuwa magaalada Muqdisho ku xera magaalooyinka kale ee Dalka.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada qeyb qaato dhismaha wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada hirgelinta Mashruuca Dalkaaga dhiso oo uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Mashruucaasi horay loogu dhisay Xarunta Aqalka Doowlada Hoose ee Xamar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-