DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo shaacisay inay door ku lahayd Weerarkii diyaaradeed oo ka dhacay gobalka Hiiraan

0

Wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan ka geysatay duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ka geysteen gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in sirdoonka Soomaaliya ay kaalin ka qaateen duqeynta lagu dilay 150 askari oo Alshabaab ah, sida dowlada Mareykanka ay sheegtay.

Wuxuu sheegay in sirdoonka Soomaaliya oo dhulka ku sugan ay doorweyn ku lahaayeen ayna caawiyeen ciidamada Mareykanka ee duqeeyay saldhiga Alshabaab ee duleedka magaalada Buulo-burde.

“Waxaa jiray warbixin sirdoonkeena  oo dhanka dhulka  ah oo suuro galisay in duqeynta ah dhacdo, sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa caawiyay Mareykanka”ayuu yiri wasiir hadliye.

Mareykanka ayaa shaaciyay in Alshabaabka xerada lagu dilay ay gaarayaan ku dhawaad 150 askari kuwaasi oo la doonayay iney weeraraan xarumaha AMISOM ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO