DHAGEYSO:- Axmed Madoobe ” waxaan diyaar u nahay inan si sax ah ugu faa’iideysano Mashruucyada Midowga Yurub”..

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa sheegay iney ka faa’ideysan doonaan taageerada joogtada ah ee ay ka helayan ururka midowga Yurub.

Maalin kahor dowlada Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Kismaayo mashruuc uu ku baxayo 11 milyan oo Yuuro oo lagu horumarinayo deegaanada maamulkaasi.

Axmed Madoobe, ayaa u sheegay midowga Yurub iyo dowlada Soomaaliya in maamulkiisa sidii loogu talo galay uu kaga faa’ideysan doono mashruucaasi lagu bixinayo dhaqaalaha badan.

Dhaqaalahaasi ayuu sheegay in wax badan uu ka tari doono dib usoo celinta nolosha dad badan oo ku nool deegaanada maamulka Jubbaland, waxaana durba la bilaabay dhismaha iskuul weyn oo laga dhisayo Kismaayo.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday midowga Yurub iney kordhiyaan taageerada maaliyadeed ee la gaarsiinayo deegaanada kale ee Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-