DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo beeniyay in saraakiil badan looga dilay duqayntii ka dhacday gobalka Hiiraan

0

Ururka Alshabaab ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen goob ay maamulaan Alshabaab laakiin waxay sheegeen ineysan jirin tirada dhimashada ee Mareykanka uu sheegay in lagu dilay duqeynta.

C/Casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay ka badbadisay khasaaraha ka dhashay duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Waaxda difaacada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday gobolka Hiiraan ay ku dileen 150 askari oo Alshabaab ka tirsan kuwaasi oo loo diyaarinayay iney weeraraan xarumaha AMISOM ee dalka Soomaliya.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in Mareykanka uu ka been sheegay khasaaraha, islamarkaana Al-shabaab waligeed aysan hal meel ku kulmin askar gaareyso 100 askari sababo dhanka amaanka la xiriiro, sida Reuters ay baahisay.

“Mareykanka wuxuu duqeeyay deegaan Al-shabaab ay maamulaan, laakiin waxay ka badbadiyeen khasaaraha duqeynta, waligeen meel kuma kulmin 100 dagaalyahan hal mar sabab dhanka amaanka ah, waan ognahay cirka diyaarado ayaa ka buuxo”ayuu yiri Abuu Muscab oo lahadlay wakaalada wararka Reuters.

Afhayeenka u hadlay Al-shabaab ayaanan faahfaahin ka bixin khasaaraha kasoo gaaray duqeynta, marka laga yimaado sheegashada Mareykanka oo uu ku sheegay 150 dagaalyahan.

Saraakiil u hadashay waaxda Pentagon-ka ayaa sheegay in muddo todobaadyo ah ay sahminayeen deegaanka Duqeynta laga fuliyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO