Daawo Sawirada Xaalada Cariiriga ah oo ay ku nool yihiin Haweenka Soomaaliya xilli maanta loo dabaal dagayo Maalinta Haweenka

0

8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta Haweenka Aduunka ayaa maanta oo kale waxaa laga xusaa Magaalooyinka Caalamka, iyadoo Haween badani oo Dunida ku nool ay nolosha horumar ka sameeyeen ayaa kuwa kalena weli la kulmaan Xadgudbyo iyo daryeel la’aan.

Waxaa jira in badan oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo aaminsan in ay ka maqan tahay Xuquuq farabadan oo ay la haayeen.

Xuquuqda kala duwan oo Haweenka Soomaaliyeed ay ka qabaan in aysan heysan tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Dhexe ee kacaanka waxaa ka mid ah Siyaasada oo lagu cariiriyo, tiro wanaagsan oo aan laga siinin Kuraasta Dowladda.

Inkastoo arimaha Jinsiga lagu daray Dastuurka KMG ahi ee u dagsan Dalka Soomaaliya, loogana qoondeeyay Dumarkaasi Baarlamaanka kuraas dhan 30.

Balse, Haweenkan Soomaaliyeed ayaa qaaba in aan weli la abaarin xaqiiqda jirta laakiin ay ku doodaan in hadal un lagu soo koobay waxqabadkii ay u baahnaayeen.

Waxyaabaha aas aasiga u ah Nolosha ayaa qeyb ka ah Xuquuqda ay tabayaa Haweenka Soomaaliyeed in ay ka maqan tahay, sida Adeegyada Caafimaadka oo aysan ka helin Dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawiro meelo kala duwan laga soo qaaday:-

IMG_6686 IMG_6709 IMG_6712 IMG_6726 IMG_6747