DHAGEYSO:- Maamulka G/Hiiraan oo sheegay in la dardargelinayo shirka Jowhar ka socda

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa sheegay in dib loo bilaabay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in la xaliyay dhamaan cabashadi ay qabeen beelaha dega Hiiraan isla markaana ay ogolaadeen in ay ka qeyb galaan shirka Jowhar.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dib u dhac ku yimaaday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in muddo uu hakad ku jira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isla markaana uu jiro dib u dhac weyn.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Jowhar gaaray ergooyinkii gobolka Hiiraan ugu qeyb geli lahaay shirka maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo gogoshiisa ay taallo magaalada Jowhar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-