DHAGEYSO:- Hubka Madaxda dowlada lagu Ilaaliyo Iyo Amaanka Muqdisho.

0

Madaxda dowlada Soomaaliya iyo dhamaan hay’adaha amaanka ayaa haatan waxay isha ku haayaan samaynta hanaan cad oo lagu wajahayo amaanka caasimada dalka ka dib markii Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro masuuliyadooda ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa meel wanaagsan maraya qorshaha hay’adaha amaanka gobalka lagu hoosgeynayo maamulka gobalka Banaadir si meel loogu agaado amaanka magaalada Caasimada ah.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu shaaciyay inay muhiim tahay in saraakiisha dowlada, wasiirada, xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dowlada ay iska yareeyaan hubka iyo gadiidka faraha badan oo ay wataan xiliyada ay marayaan wadooyinka caasimada.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqan galinta arintaan ay muhiim u tahay sugida amniga magaalada Muqdisho.

Hadaba soojeedinta Madaxweynaha Soomaaliya hadiiba la dhaqan galiyo maxay ka badali kartaa amaanka Caasimada Soomaaliya, mise tahay talaabadaan mid muhiim ku ah xiligaan.? Su’aashaasi Waxaan waydiinay Shariif Roobow oo ah aqoonyahan degan magaalada Muqdisho.

“Waa talaabo wanaagsan oo loo baahnaa maxaa yeelay arintaan waxay yareenaysaa, qal qalka dadka shacabka ah ee degan magaalada Muqdisho ay ku abuuraan hubka iyo gaadiidka faraha badan ee magaalada lala dhexmarayo.” Sidaasi waxaa Yiri SHariif Roobow.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaan ayaguna wax ka waydiinay aragtooda ku aadan arintaan iyo sida ay u dareemaan marka ay arkaan gaadiidka dagaalka iyo hubka badan oo ay wataan saraakiisha dowlada marka ay marayaan wadooyinka Muqdisho.

Si kastaba arimahaan oo dhan ayaa ku soo aadaya masuuliyada amaanka magaalada lagu wareejinayo duqa magaalada Muqdisho oo qudhiisa ah nin ku cusub maamulka gobalka, waxaana lawada dhowrayaa waxa isbadala.

HALKAAN KA DHAGEYSO