FAALO:PUNTLAND OO SIYAASADII LOOGA ADKAADAY IYO Dr GAAS OO WAQOOYIGA AMEERIKA KU DHUUMAALAYSANAYA.

0

Madaxwaynaha Puntland Dr Abdiwali Gaas oo u xiran raysalwasaare sharmaarke xarigu maha kaad moodeen!

Puntland waa deegaan aad u balaaran leh laba badood oo barwaaqo ah.marka laga reebo somaliland waxay ahayd halka kaliya ee laga yaqleelay maamul dawladeed kadib markay isugu yimaadeen wax garadkii iyo dhamaan beelaha soomaaliyeed ee halkaas dagan,kuwaas oo ku heshiyay dhismaha dawlad goboleedka puntland ee jirsaday 18 sanadood. waxaan halkan oran karaa inay puntland ka horayso somaliland marka la eego danta soomaaliyeed maadama ay puntland hadafkeedu yahay in lahelo soomaaliya oo dagan oo xasiloon oo mid ah. dhanka kale somaliland waxay iyadu ka horaysay dhismaha maamul puntland wayna ismaamuleen laakiin halka loo ga adkaaday waa hadafkooda oo noqday waxaan soomaali u cuntamin iyo goni isu taag ka dhan ah soomaaliya inteeda kale.

Puntaland waxaa ku nool shacab xadaari ah oo jecel maamul iyo kala danbayn.Aabihii iyo aas aasihii bud dhiga u ahaa puntland AUN Abdullahi yusuf axmed waxa uu adkeeyay dawlad iyo nidaam ka hanaqaaday puntland lagana dhaxlay kaasoo uu usoo maray halgan adag iyo dulqaad dheer.Abdullahi waxa uu gacan bir ah isaga qabtay cidkasta oo dagan gudaha puntalnd oo loo soo adeegsaday burburka puntland iyo cidkastoo cadaw ah oo dibada kasoo weerartay intaba waa ka difaacay puntland. xiligaa waxay puntland ahayd hogaanka iyo horseedka umada soomaaliyeed.waxay dhisaysay gudaheeda iyo guud ahaan soomaaliya isu keenkeeda.

Ragii ka danbeeyay hogaamiyihii waynaa,waxaan orankaraa magaarikaraan balse way ku yara daydeen wada diisii oo ma dayacmin puntland,xiliyadii madaxwayne Abdiraxmaan iyo Madaxwayne Cade iyo Madaxwayne Maxamed waloow maxamed 6 bilood uun uuhayay xukunka.waxay ahayd in wadadii loo jeexay puntland ay ku socoto oo halkii rag gaadhsiiyay laga siiwado taasoo aan dhicin nasiib daro.Halkan waxaan ka digayaa in dadku meel iska dhigo caadifad qabiil iyo nin jeclaysi ah adeer difaacasho taasoo aan waxba tarayn marka laga hadlayo wada jirka iyo danaha puntland ee dhabta ah nin walbana danta u ah.

Madaxwaynayaashaas hore oo dhan haba yara kala fiicnaadeen ee,waxay isaga mid ahaayeen difaaca sharafka iyo midnimada iyo jiri taanka puntland,waxayna ahayd puntland xiligooda mid leh maqaam iyo sharaf iyo siyaasad hufan oo ka muuqata dalka soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisaba oo caalamku tix galiyo.puntland waxaa dhaqan u ahayd laguna yaqiinay in ay ka hortagto qorshe kasta oo laga soo abaabulo mogdisho oo lagu wax yeelaynayo puntland iyadoo la adeegsanayo dad u dhashay puntland.

Puntland waxa lagu soo dhex tuuray Mudane dr Gaas oo ku guulaystay madaxwayne nimada puntland 2014kii oo ka guulaystay Abdiraxmaan faroole.dad aan aqoon u lahayn ayaa u arkayay dr gaas in uu yahay aqoon yahan wax ka badali kara siyaasada puntland ee dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah iyo hormarka guud ee puntland higsanaysay.waxaana la filanayay in hormar dhaqso ah la gaari doono iyo mid raagaba.puntland iskama hubin waa kuma dr gaas? waa sidee hogaamin tiisu? siyaasad ahaan muxuu aamin sanyahay? go aan maleeyahay? yaa siiyay dhaqaalaha uu isku soo taagay ee uu ku tartamayo? hadaba suaalahaas iyo kuwa kalaba dadku ma garan waayin aqoona waa leeyihiin,laakiin waa indho tiray fikirka xun ee ah beel ahaan kurisigu yuusan gacanteena kabixin,ninku waa tol ee aynu iska raacno intii balo kale iman lahayd,isku jifo ayaa nahay,lacag buu isiin waana dooran,shaqaan kaheli garab ah,waa inaadeerkay waxaas ayaa isku hareereeyay oo diiday in wax lays waydiiyo,soomaaliduna sidan ayay naf mooday oo caado ka dhigatay waana jid run ahaan xun oo khaldan.

Mudane Abdiwali gaas waxa uu dhaxalsiiyay puntland in gudaheeda amaankii xumaaday,in siyaasadii soomaaliya gudaheeda puntland ay shalay hormuudka ka hayd hada khadkiiba laga saaray oo ay isladahay,in siyaasadii caalamka ee puntland dhawac gaaro oo farta lagu wada fiiqayo oo ay noqotay heer loo arkayba inay tahay caqabda soomaaliyeed.shacabkii puntland oo is hiifaya oo jahawareersan oo meel waxmarayaan aan la socon oo garan la meel looga yimid.beelihi iyo shaqsiyaadkii puntland oo kala aamin baxay,is eedayn iyo adaa ii lahaa.waxan oo dhan waxaa sababaya hogaanka madaxwayne abdiwali oo ah mid jilicsan,go aan aan lahayn,aragti aan lahayn siyaasadeed oo cad,gudihii puntland oo la dhex galay oo la furfuray laga shaqaystay,dhan walba oo laga galay puntland maadaama hogaamiye xun majaraha u qabtay.isagaa masuul ka ah waxaas oo dhib ah maxaayeelay isagaa ah hogaamiyaha maanta mise madaxwayne kalaa jira puntland?

Dr Abdiwali isagoo taagan ayaa mogdisho saynu markhaatiga kawada nahayba lagu dhisay GALMUDUG STATE,oo ay ka soo qayb galeen beesha caalamku.waxa dastuurka ama axdiga fadaraalku ku shaqaynayay qabaa in laba gobol iyo wixii kabadan ay noqon karaan maamul goboleed.waa la jabiyay waxba kama uusan oran.hayeeshee waxaa taa ka sii daran dhulkuu xukumay oo dr faroole ku wareejiyay dhulkamid ah ayaa la sheegtay oo ah waqooyiga mudug oo puntland ah,kama uusan qayb galin arintaa dhulkiisii lagu qaatay ee ka dhacday mogdisho wuu hurday markii rag adeegtay.hada yaa tabar u haya in dib laysu xoreeyo oo lasoo celiyo dhulka uu bixiyay ee puntland? waxaad wada aragtaan isagoo GALMUDUG lafadhiya shirar caalami ah oo wax la sixiixanaya bal dhagartaa aad u eega iyo midabkiisa runta ah? arintan wuu marsiiyay puntland oo hada cidna isma waydiiso.

Waxaa lamid ah arintaa waqooyiga mudug lagu siiyay galmudug arintii siyaasada soomaaliya ee doorashooyinka 2016ka lafilanayo oo uu shirkii mogdisho saan inbadan sheegayba uu ku sixiixay kuna ogolaaday in 4.5 looguuro tanoo dawladuna ku dhawaaqday beesha caalamkuna ku dhawaaqday in laysla wada qaatay. halkan waxaa cid cidwax diiday nina ma yiraahdeen wuu ogolaaday mana aha siyaasada caalamka.Ninka ingiriis Miceal iyo maamul goboleedyada iyo dawlada fadaraalka ee soomaaliya waxay ku heshiis yihiin in hawshan sideeda loo fuliyo laakiin Dr abdiwali la caawiyo si dublamaasiyad ah oo shacabka puntland ee diidan dhab ahaan 4.5 looga rujiyo isaga oo loo maaweeliyo.hadaba puntland maaweeladaas ayay dugsanaysaa!! marka waxaan wada socon dr gaas iyo shacabka puntland.

Tusaale shirkii hada ka dhacay turkiga waxaa runta daaha ka qaaday Raysulwasaare CUMAR CABDIRASHIID CALI SHARMAARKE oo si cad u sheegay in puntland shirka ka qayb galayso oo fadhiyaan.Laakiin waxay shacabka puntland aamineen diblamaasiyada warqadaha war saxaafadeedka shirka kasoo baxay oo aan ahayn rasmi iyo waxa dhabta ah ee dhacay. raga shirka loo qabanayo waa intii mogdisho ku heshiisay uun oo halkaa isugu tagay si yabooha dhaqaale iyo talo bixintii 3 dii sano ku jaan go nayd ee ahayd newdealka loogu soo afjaro halkaas siday balantu ahaydba.wax cusub majirin sideedaba waa gunaanadkii qorshihii tijaabada ahaa ee 3 sanadood hore loo go aamiyay dhamaadkiisii.dadka aan siyaada lasocon wax kalay u haystaan xataa madaxwaynaha soomaaliya ayaa wax kale u haysta newdealka. waxaad xasuusataan shalay beesha caalamka ayaa garoowe imanaysa oo waxaa laga hadlayaa puntland oo diidan 4.5 waa tii lalahaa,iswaydii maxay beesha caalamku idinka aqbashay oo go aankeedii kabadashay? maxaase go aan ah ee madaxwaynaha puntland uu qaatay ileen isagaa masuulkii ahe shicibka taladiisii la aragyee? halkaas ayay ku dhamaatay taasi waana lays maray.

Hadana war saxaafadeedku waa mid heshiis lagu yahay dr gaas iyo iyagu dhamaan,dr gaas waxa uu khiyaanay shacabkiisa mana aha in uu xil sii hayo laakiin waxa uu ka faa idaysanayaa arimaha qabiilka iyo caadifada markaa wuu sii hayn weeye.khiyaano heer uu ka gaaray iyo isku kalsooni xumo waynaatay waxa uu ku dhuumaalaysanayaa waqooyiga ameerika isagu halka uu shirkana rag u wakiishay matala.waxa uu farta wadnaha uugu hayaa ogoos sideed ku gaartaa si doorashadii loogu dareero 4.5 kusalaysan si uu ergada uu u dhiibo liiskooda.dr gaas waa ku celinayaa mar labaad waxa uu ka baqayaa raysulwasaaraha cumar sharmarke oo xiraya maxkamad caalami ah saaraya.dr gaas go aan sina uma qaadan karo.hadana riwaayada gaba gabadeedii ayaa loo dhigyaa shacabka puntland oo ah puntland waxay kamaqnayd shirkii turkiga hadaba waa la baadi goobayaa waa la qancin puntland wufuud heer heer heer sare ah oo waawayn oo culus baa u tagaysa waa la qancin waxbaa socda ee aamusa.tani waa dublamaasiyada siyaasadeed ee cinwaanku xanbaarsan yahay ah puntland oo siyaasadii looga adkaaday iyo dr gaas oo waqooyiga ameerika dhuumaalaysanaya.tani miyaanay run ahayn idiin cad? siyaasada puntland waa lala wareegay waana loo taliyaa dhab ahaan puntland maha puntland tii hore waa lays haystaa dr gaas ayaana loo maray puntland hana shadeeda siyaasadeed.hadii illaahay idmo maqaalkayga danbe waxaan kaga hadli doonaa puntland waa lamaray waana looga adkaaday siyaasadii,suaasha ah xagee loowadaa soomaaliya hadaba? sida dayaxa ayaan u arkaa waana idiin soo gudbin haday ila noqoto waase wax faraxad wayn iyo bishaaro u ah guud ahaan soomaaliya oo dhan.Run ahaan puntland meesha uu ninkaasi dhigay ma jeclaysan, waxaase layaableh shacabka puntland ee mogdisho u dhigayso riwaayad layiraahdo dr gaas kusug ogoosto 2016 ee ay la dhacsanyihiin daawashadeeda.

W/Q: Yuusuf Cumar
Email: Mashruuc5@hotmail.com