DHAGEYSO:- Xildhibaano ku eedeeyay Dagaalkii Dhuuse-Mareeb inay soo abaabuleen Dowlada Soomaaliya iyo Galmudug

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa Dagaalkii ka dhacay Shalay Magaalada Dhuusamareeb ku Eedeeyay in ay Abaabuleen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Xildhibaano ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Galgaduud.

Xildhibaanada ayaa intaa ku daray in wax laga Xumaado ay tahay Dagaalka Dadku ay ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb,iyagoo ku baaqay in Colaadda laga Hurinayo Dhuusamareeb la joojiyo.

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa shalay sheegay in dagaalka Dhuusamareeb ay soo qaadeen Dowladda Soomaaliya,Maamulka Galmudug,Al-shabaab iyo Burcad Badeed iskaashanaya.

HALKAAN KA DHAGEYSO