DHAGEYSO:- Xaaladda Dhuusamareeb oo Saaka deggan iyo Galmudug oo beenisay in ay ku jirtay Dagaalkaasi

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud ayaa deggan kadib markii Habeen hore ilaa shalay ay ku dagaallamayeen Maamulka Ahlu Sunna iyo Sargaal horay uga goostay Milatariga Soomaaliya kuna biiray Ahlu Sunna.

Maamulka Galmudug, ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii Habeen Ka Hor  illaa duhurnimadii Shalay ka soconaayay Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo dhanka kalana uu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dagaalkaasi.

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Maamulka Galmudug, Cali C/laahi Warsame (Galawac), ayaa si adag u beeniyay in Ciidanka Galmudug ay ka qayb qaateen dagaalka, isla-markaana aanay ka barbar dagaalamin maleeshiyadii Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa sheegay inaanu go’aanka Maamulka Galmudug ahayn in la weeraro Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu xushmeynaayay dadaaladii lagu doonaayay in labada dhinac lagu wada hadashiiyo.

Wasiir Ku Xigeenka ayaa ku waramaaya in dagaalku uu u dhaxeeyay Ciidamada Ahlu Sunna iyo dadka deegaanka, sida uu yiri, ka dib markii uu Ahlu Sunna ku eedeeyay inay caburisay dadka reer Dhuusamareeb.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dadka deegaanku ay ka dhiidhiyeen hujuumka uu sheegay kaga imaanaayay Maamulka Ahlu Sunna, taasina ay keentay inay la dagaalamaan, sida uu yiri.

Mar la weydiiyay halka ay dadka deegaanka ka heli karayaan hub intaa le’eh, oo ay ugu babac-dhigayaan Maamulka Ahlu Sunna, ayuu sheegay in dadku ay hubeysan yihiin, iyaguna ay go’aansadeen inay iska dulqaadaan.

Cali C/laahi Warsame, ayaa waxaa uu tibaaxay in Galmudug ay ka xun tahay in lagu dul dagaalamo dadka rayidka ah, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay ay cambaaraynayaan waxyeelada rayidka ka soo gaartay dagaalka.

Galawac, ayaa ugu dambeen ka dhawaajiyay in Galmudug ay kaalin wayn ka qaadan doonto xasiloonida Magaalada Dhuusamareeb, si loogu heshiiyo inay noqoto Xarunta Maamulka Galmudug uu ku hawlgalo.

HALKAAN KA DHAGEYSO