WAR DEG DEG AH:Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe Oo Soo Afjaray Dagaalki Dhuusamareeb Iyo Galmudug Oo Ku Fashilantay Qorshahoodi.

0

Wararka ugu dameebayay ee naga soo gaaraya Dagaalki Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlu-sunna ay gacanta ku dhigeen Kornel Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, kaasi oo hoggaaminayey Ciiddankii kula dagalaamay magaalladda Dhuusamareeb.

Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakula” oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Goballadda Dhexe ayaa u xaqiijiyey Allgalgaduud Media in gacanta lagu soo dhigay Liibaan Madaxweyne oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Muxiyaddiin Jakula waxa kale oo uu tilmaamay in la soo af-jaray Iska horimaadkii, isla markaana ay Maamulka Goballadda Dhexe si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan Ammaanka Dhuusamareeb, isla markaana ay qabteen Maxaabiis ka tirsanaa Kooxdii la socotay Liibaan Madaxweyne.

Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, oo dhowr bilood ka hor ka soo goostay magaalada Cadaado ayaa ku biiray Maamulka Ahlu-sunna ee Dhuusa-mareeb, ka hor inta uusan soo kala dhex gelin Khilaaf dhinaca Maamulka.

Sarkaalkaasi iyo Ciiddankii la socday ayaa waxay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Ciidamada Ahlu-suna ee ku sugan Dhuusa-mareeb, wuxuuna iska horimaadkaasi soo gaaray ilaa Duhurnimadii maanta.

Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa gurmad ciidan iyo abaabulba dagaal waxa ay dhawaanahan ugu jireen sidii ay dagaal ugula wareegi lahaayeen Xarunta Maamulka Gobolada Dhexe ee Dhuusamareeb taas oo ay u adeegsanayeen Libaan Madaxweyne, waxaa taas iminka ay u muuqataa mid ay ku fashilmeen maamulka Galmudug.

 
Isku soo wada duuboo Maamulka Ahla-sunna ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda qabtaan Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan Iska horimaadkii ay la galeen Liibaan Madaxweyne oo gurmad ka helaya mamaulka Galmudug.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media