Shirar ka dhacaya Dalka Tanzania oo loogu hadlayo Xaalada Soomaaliya

0

Madaxda wadamada bulshada gobolka Bariga Africa ayaa ku qul qulaya magaalada Caruusha ee dalka Tanzania oo uu maanta ka furmayo shir gaar ah oo ajandayaashiisa ay ku jiraan in loo codeeyo in wadamada ku jira ururka EAC ay Soomaaliya ka mid noqoto.

Wasiiradda wadamadaan oo shiray ayaa ka doodaya qorshaha in dalalka Soomaaliya  iyo koofurta Sudan ay xubno ka noqdaan ururkaan.

Ajandayaasha shirkaan waxaa ka mid ah ka sokow ka doodista arrinta Soomaaliya in wadamada bariga Africa ay yeeshaan hal baasaboor oo nooca electorooniga ah.