DHAGEYSO:- Xoosh Jibriil “ Shacabka soomaaliyeed waxay qabaan wal wal, amnigana faraha ayuu ka baxay”..

0

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shacabka.

Waxa uu tilmaamay in fikrad qaldan ay shacabka ka aamineyn Madaxda Dowlada isla markaana shacabka ay qabaan wal wal u aadan halka ay u socoto siyaasada soomaaliya.

Waxa uu sheegay in safar dheer uu ku tagay magaalooyin ka mid ah soomaaliya sida Kismaayo, Beydhabo iyo deegaano ka tirsan Puntland, waxa uuna xusay in uu la soo kulmay shacabka aan ku faraxsaneyn madaxdooda.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya loogu baahan yahay iney fikradaasi qaldan ka saaraan shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in xaalada amni ee soomaaliya aysan wanaagsaneyn, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo amniga dalka.

Hadalkaan ayuu Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ka sheegay furitaanka kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo markii dambe Saxaafada banaanka loogu soo saaray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-