DHAGEYSO:- Gudoomiyaha G/Banaadir ” amniga Muqdisho waa mid la isku haleyn karo”..

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlaayay amaanka Caasimada Muqdisho ayaa sheegay in amniga muqdisho iminka uu yahay mid wanaagsan oo soo hagaagayo.

Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha gobolka Banaadir in aysan jirin qatar amniga isla markaana ay xaalada amaan ee muqdisho ay tahay degan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in magaalooyinka waa weyn ee caalamka ay ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro balse aysan jirin wax hakiya howshooda iyo hormarka magaalo walbo.

Gudoomiyaha gobolka ayaa tilmaamay in aysan fashil ahayn amniga muqdisho balse ay wax ka dhici karaan, ayna ku dadaalayaan in ay xakameeyaan amniga caasimada muqdisho.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa maalmihi dambe ka dhacaayay Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen sidoo kale waxaa magaalada muqdisho ku soo dhacay tiro dhowr jeer ah hoobiyaal kuwaasi o khasaaro geystay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-