DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo amartay in la tababaro saraakiil ciidan oo la dagaalama Al-shabaab

0

Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amray in la tababaro inka badan 10,000 oo saraakiil boolis ah, loona diyaaro in la gaarsiiyo qeybaha kala duwan ee wadanka Kenya.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in ciidamadaasi la doonayo iney qeyb weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo iney adkeeyaan amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Ciidamadaasi ayuu sidoo kale sheegay iney suurogal ka dhigi doonaan iney xaqiijiyaan amaanka magaalooyin badan oo Al-shabaab weeraro kala duwan ka geysteen, isaga oo sheegay in loo daabulayo guud ahaan magaalooyinka dalka Kenya.

Kenyatta, ayaa sheegay in amni darada Kenya ay ka dambeeyaan dad uu ku sheegay iney yihiin dambiilayaal khalad ka galay dalka, ayna la xisaabtamayaan cidda ka dambeeysa falalka amni daro ee ka dhacaya dalka Kenya.

Tan iyo sanadkii 2011 xiligaasi oo ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya ay soo galeen ayaa waxaa kenya weeraro ay kala kulantay Alshabaab, waxaana ka dhashay khasaaro badan .

Kenyatta ayaa si cad u sheegay in ciidamadooda ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa Alshabaab looga adkaado dagaalka lagula jiro.

Hoos ka Dhageyso Codka:-