DHAGEYSO WAREYSI:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin la leh Ra’iisal Wasaaraha

0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa Xarunta ay ku shiraan kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Wasiirada Xukumadda.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa jooga Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Gen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Cod u qaaday Saxaafadda in ay Goobjoog ka noqoto Kulanka iyo in kale,iyadoo inta badan Xildhibaanadu ay Diideen in Warbaahinta Goobjoog ka noqoto Kulanka,iyadoo Saxaafadda Banaanka looga saaray.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Hay’adda NISA ayaa wax laga weydiin doonaa Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Baarlamaanka ayaa Shalay u yeeray Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-