Dagaal Culus oo weli ka socda magaalada Dhuusa Mareeb

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay saqdii dhexe uu dagaal culus ka bilowday magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegaya inuu ka dhaacayo dhowr jiho oo magaalada ah, iyadoo dadka magaalada ay hurdada kaga tooseen dhawaqa rasaasta fudud iyo tan culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb.

Ilaa hada si dhab ah looma oga dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb, laakiin qaar ka mid ah dadka shacabka ah  oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe iyo maamulka Galmudug.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,iyadoona wali la maqlayo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Wixii warar ah ee soo  kordha waad idiin soo gubineynaa INSHA ALLAH..