Askar badan oo lagu laayay Dalka Jordan

0

Illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada amaanka wadanka Jordan ayaa ku geeriyooday iskahorimaad ka dhacay magaalo Irbiid la yiraahdo oo ku taala waqooyiga wadanka dalka Jordan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Jordan ayaa sheegtay in dabley hubeysan oo la aaminsayahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ay weerareen xarun ay ku leeyihiin magaalada Irbiid.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamadu dileen tiro ka tirsanaa kooxdii weerartay willina ay baaritaan wadaan.

Warbaahinta dalka Jordan ayaa tabisay in ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ay galeen xero ay degen yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah  halkaasoo ay ka baadi goobayaan shaqsiyaad lagu tuhmay inay weerarkaas wax ka ogaayeen.