TOP NEWS:- Xiisad U dhaxeysa Maamullada Puntland Iyo Khaatumo Oo Ka Taagan Duleedka Garoowe

0

Xiisad colaadeed oo u dhexeysa maamullada Khaatumo State iyo Puntland ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay duleedka Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal gaar ahaan deegaan 12 km u jira Magaaladaasi oo ka tirsan Gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo State Abshir Sheekh Cabdicasiis Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xiisadani ay timid kadib markii Ciidamada maamulka Puntland gudaha u soo galeen 12 km horayna ay u soo dhaqaajiyeen taas oo tilmaamay in ay tahay xad gudub lagu sameeyo maamulka Khaatumo sida uu hadalka u dhigay.

Abshir Sheekh Cabdicasiis Max’ed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada maamulka Khaatumo ay iyaguna 3 km u jirsadeen halka ay soo fariisteen Ciidamada Puntland isagoo xusay in dagaal meeshaas ka dhaco masuuliyaddiisa ay qaadaneyso maamulka Puntland.

Geesta kale Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee maamulka Khaatumo ayaa waxa uu tilmaamay in wax wada hadal ah aysan ogoleyn maamulka Puntland , dhowr jeer oo horena ay ku soo xad gudubtay deegaanno hoostaga gobolka Sool sida Qorileey islamarkaana ay dad ku laayeen kuwa kalana ay ku barakiciyee.

Bishii 11 ee sanadkii la soo dhaafay ayaa deegaanka qorileey oo ka tirsan Gobolka Sool waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan maamullada Khaatumo State iyo Puntland , dagaalkaas oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana saameeyay dadka deegaanka.