TOP NEWS: Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbaland Iyo Wafdi Balaaran Oo Maalmaha Soo Socda Gaaraya Kismaayo.

0

Wararka maanta naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii dib u heshiisiinta Jubbaland ee wajigiisa hore ay lahaayeen siyaasiyiinta beesha Sade ee ka socday magaalada Kismaayo in uu marayo meel wanaagsan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirka siyaasiyiinta beesha Sade uga socday magaalada Kismaayo uu marayo meel wanaagsan ayna kasoo baxayaan qodobo muhiim u ah midnimada iyo horumarka beesha Sade.

Dhinaca kale kulan saaka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho siyaasiyiinta beesha Sade ee ku sugan magaaladaas ayaa waxaa ay isla qaateen in ay dhamaan siyaasiyiinta beesha Sade ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho laba malamood gudahood ku tagaan madasha shirka ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeysay mudo dhoowr toban sano ah oo ay siyaasiyiinta Beesha Sade yeeshaan shir lagu baabi’inayo khilaafka iyo fikradaha kala duwan ee ay kala aaminsan yihiin loona dhaqaaqayo Midnimo iyo danta guud ee beesha Sade.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media