DHAGEYSO:- Quburo ka hadlay caqabadaha amaan ee heysta Soomaaliya iyo Talooyin loo soo jeediyay Dowlada Soomaaliya

0

Qabiiro dhanka amaanka oo African ah ayaa soo jeediyay in bulshada caalamka loooga baahan yahay iney si dhab ah u taageeraan dowlada Soomaaliya si loo xoojiyo amaanka dalka Soomaaliya loogana hortago weerarada Alshabaab ka geystaan dalka Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sababay iney ku dhintaan ku dhawaad 35 ruux, ayna ku dhaawacmeen inka badan 40 ruux oo rayid ah, kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Magaalada Baydhabo ayaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho u jirta 220 waxayna kaga beegan tahay dhanka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Qabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ee kusugan dalka Soomaaliya aysan sameyn taageerada rasmiga ee ku aadan dhanka amaanka oo dowlada Soomaaliya ay u baahan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Emmanuel Kisiangani oo ah qabiirka dhanka amniga oo falanqeeya arimaha bariga Africa, ayaa sheegay in dhibaatada amni daro tahay in ciidamada AMISOM aysan si toos ah kaga soo bixin kaalintii laga doonayay, wallow aysan awoodin iney ilaaliyaan amaanka qof kasta oo Soomaali ah.

Qabiirkaan ayaa sidoo kale sheegay in amaanka aan laga guuleysan karin ilaa laga helo hayadaha amaanka Soomaaliya oo si wanaagsan u shaqeynaya, ayna adkaan doonto in ciidamo dibada ka yimid xasilayaan dalka Soomaaliya.

Caqabada kale ee ka imaan karta amni darada Soomaaliya ayuu ku sheegay iney tahay ineysan jirin dhaqaalo toos ah oo ciidamada ay helaan, beesha caalamkana ay sameeyeen balanqaadyo badan markii lagu kulmay UK iyo Turkey, wallow qaar ka mid ah balanqaadyadaasi la helay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay dhismaha awooda iyo taageerada maaliyadeed, isaga oo tusaale usoo qaatay in ciidamada dowlada toos u celin mushaarkooda, halka Alshabaab ay dhaqaalo ka helaan ilo kale oo badan.

HALKAAN KA DHAGEYSO