Mucaaradka Ugandha oo 12 Qof ku dilay Jamhuuriyada Dalka Congo

0

Dableey looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Mucaaradka Ugandha ayaa la sheegay inay kudhawaad 12 qof ku dileen isniintii shalay Bariga Dalka Jamhuuriyada Dimograadiyada Koongo.

Ilo katirsan Kooxaha udooda Xuquuqul Aadanaha Dalkaasi Congo ayaa sidaasi laga soo xigtay iyadoo la beegsaday oo weerarka uu socday muddo kabadan 18 bilood waa Sanad iyo Bar.

Mucaaradka Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin ee la yiraahdo Allied Democratic Forces (ADF), iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee ka yimid Dalka Ugandha ayaa waxa howlgalo ay ka fuliyaan Xadka labada dal wadaagaan tan iyo 1990-kii.

Waxaana lagu dilay Xaafada Mamabio oo 50Km Magaalada Benin Ee Dhaqaalaha Leh kuna taalla Wuqooyiga Dalka Congo.