Maamulka Jubbaland oo sheegay inay dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dileen 7 ka tirsan  Al-Shabaab kadib weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen deegaanka Biroole oo 40 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Maxmuud Maxamed ayaa sheegay in weerarkaan ay ku bartilmaameedsanayeen Saraakiil ka tirsan  Al-Shabaab.

 

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhankooda uusan wax khasaare kasoo gaarin dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

 

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulka Jubaland ee ah inay dileen xubno ka tirsan  Al-Shabaab.