Ra’isal Wasaaraha, Wasiirka amniga iyo masuuliyiin kale oo looga yeeray Xarunta Baarlamaanka

0

Kulan Saacado badan qaatay oo Saxaafada ay dibad joog ahayd ayaa waxaa Xarunta golaha shacabka ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii Baarlamaanka Soomaaliya ay go’aan ugu qaadan lahaayeen maqnaashaha badan iyo soo xaadir la’aanta Taliyeyaasha Booliiska iyo nabad sugida ee Dowlada Soomaaliya oo marar badan ay u yeereen.

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in Maalinta berito ah ay Baarlamaanka Soomaaliya hor yimaadaan Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya, Wasiirka amniga iyo taliyeyaasha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo sidoo kale Taliyaha booliiska.

Masuuliyiintaasi berito la filayo in ay hor tagaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wax laga weydiinayaa amniga dalka iyo Xasaanada Xildhibaanada Qaranka.

Maanta ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yimaaday Wasiirka amniga ka dibna ay Xildhibaanada go’aansadeen in la iska fasaxo Wasiirka amniga maadaama sida ay sheegeen aysan la socon taliyeyaasha booliiska iyo nabad sugida oo ay horay u dalbadeen iney hor yimaadaan.