Kooxda Daacish oo baadi goobaya xaaska Hogaamiyaha kooxdaasi oo baxsatay

0

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Ibrahim Awad Ibrahim al-Badri , laguna naanayso Abu Bakar Albaqdaadi ayaa ku amray Maleeshiyadiisa inay baadi-goobaan,  isla markaan u soo qabteen Xaaskiisa oo u dhalatay dalka Jarmalka.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Diane Kruger, da’deeda tahay Tobaneeyo jirayaasha (Teenage) ayaa la sheegay inay ka baxsatay Deegaanadda ay Daacish ka haystaan dalka Ciraaq, iyadoo ay wehliyeen labo haween oo kale.

Xaaskiisa waxay  Madax ka ahayd Kooxda Alkhansa oo ah Guuto Khaas ah oo Haween ah , kuwaasi oo la sheegay in ay baabiyaan Aragtida Kooxda Daacish.

Waxay kaloo Madax ka ahayd Xero Khaas ah oo ku taalla magaalladda Kirkuk, halkaasi oo lagu tababaro Haweenka loogu talagalay inay fuliyaan falalka Isqarxinta.

Abu Bakar Albaqdaadi waxa la sheegay in Xaaska ka baxsatay uu guursaday bishii October ee sannadkii hore, xilligaasi oo uu ku sugnaa Gobalka Ninawa ee dalka Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn halka ay haatan ku sugan tahay iyo Tallaabadda uu ka qaadi doono haddii loo soo gacan-geliyo, waxaana laga cabsi qabaa inay bixiso Xog badan oo ku aadan Sirta Qarsoon ee Kooxda Daacish iyo halka uu ka sugan yahay Sayga ay ka soo carartay.