Kenya oo amaro ka soo saartay amniga Garoomadeeda iyo xaalada oo sii adkaatay

0

Hay’adaha garoomada diyaaradaha dalka Kenya ayaa sheegay in garoomadooda ayyan ahayn kuwo u nugul in weerar lagu soo qaado waana isku day ay ku daji nayso bulshada wadankaasi iyadoo ay jirtay warqad laamaha amaanka wadankaasi kasoo baxay warbaahinta ay baahiyeen oo lagu sheegay jiritaanka qorshaha dagaalamayaasha Al-shabab ay qorsheenayan in ay weeraran garoomada diyaaradaha Kenya.

Mas’uuliyiintaasi ayaa war ay si wadajir ah u soo saaren waxa ay u shegen warbaahinta inay ku wargelinayaan in socdaalada wadankaasi ay ka bad qabaan wax waliba oo khatar ah.

Jariidada The Standard  iyo warbahinta Kenya ayaa shaaca ka qaaday in warqado loo geeyay agaasimayaasha garoomada loogu sheegayo in lasoo maleegayo weeraro garoomadooda ka dhan ah oo la qaadi doono bilowga bishaan.

Afhayeen u hadlay garoonka Jom Kinyatta ayaa sheegay in aan lagu kalsoonan karin warqada waxa lagu soo qoray.

Booliska ayaa la galiyay feejignaan xoogan maxaa yeelay waxa la ay sirdoonka Kenya ka war heleen in koox ismiidamiyaal ka tirsan Xarakada Al-shabab ay fulin rabaa weerar ka dhan ah garoomada waa weyn ee Nairobi ku yaala.