DHAGEYSO:- Wasiirka amniga oo laga soo celiyay Xarunta Baarlamaanka iyo kulan gaar ah oo Xildhibaanada ugu socda Xaruntaasi

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u celiyay Wasiirka Amniga gudaha ee Dowlada ka dib markii uuu keligiisa hor yimaaday Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in aysan Wasiirka amniga keligiisa su’aalo weydiin karin isla markaana ay dalbanaya in si wadajir ah ay u hor yimaada Baarlamaanka Taliyeyaasha Booliiska iyo NISA.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in Wasiirka amniga la fasaxo ka dibna ay kulan gaar ah oo warbaahintu ay ka maqan tahay ay yeeshaan isla markaana ay gfgo’aano soo saaraan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay go’aan ka soo saarayaan maqnaasha Taliyeyaasha Booliiks iyo NISA oo ay horay ugu yeereen Baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-