DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga iyo Taliyaha nabad sugida oo maanta hor tagaya Baarlamaanka

0

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Wasiirka amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa su’aalo lagu weydiinayaa labada masuul kuwaasi oo la xiriira amniga caasimada muqdisho.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee xarunta baarlamaanka federaalka soomaaliya iyada oo halkaasi lagu arkaryo ciidamadda dowladda federaalka iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Kullanka xildhibaanadda ee maanta  ayaa ah mid aad loo wada sugayo,xilli shalay uu baaqday wasiirka Amniga oo la filayay inuu xildhibaanadda hortago.

Xildhibaanadda baarlamaanka Somalia ayaa shalay ka dhiidhiyay in loo baahan yahay in Hey’addaha amniga ay iska xil saaraan xaqiijinta amaanka guud ee dalka somaia oo maalmihii dambe faraha kasii baaxayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-