DHAGEYSO:- Taliyihii Booliiska Gobolka Saaxil ee Somaliland oo la dilay

0

Taliyaha ciidamadda booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa xaqiijiyay in la dilay taliyihii booliiska Somaliland ee gobolka Saaxil

Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay iska horimaad ka dhacay gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka gobolka Saaxil iyo dad mudaaharaad sameynayey ay isku dhaceen, islamarkaana taliyaha uu ku geeriyooday isku dhacaas.

Dhinaca kale Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa tilmaamay in taliyaha ay toogteen dabley burcad ah oo hubeysan waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliiska oo howl-gal amni ka waday meel buuraley ah oo u dhow deegaanka Biyoole ay soo weerareen koox hubeysan, halkaasna ay ku dileen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-