DHAGEYSO:- Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya“Xeerka Argagixisada magaciisa ayaa qaldan,waana in la beddelaa”

0

Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shir guddoominayay kulankii Baarlamaanka ee shalay ayaa sheegay in Wasaaradda amniga looga baahan yahay in ay wax ka beddesho Xeerka la dagaallanka Argagixisada ee horyaalla Baarlamaanka.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirrada ay xeerkan u soo gubdiyeen,hayeeshee Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga Baarlamaanka ay ogaadeen in Qolo Ajannabi ah Waab howled (Siminaar) ay qabteen Golaha wasiirrada loogu gudbiyay xeerka Argagixisada ee aan ahayn kan ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen.

Mahad Cabadda Cawad,waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la isla fahmo magaca Argagixisada iyo Cidda noqoneysa,waxaana uu Xukuumadda ka codsaday in ay magaca ka soo beddesho Xeerkan horyaalla Baarlamaanka.

Wasiirka AMniga C/Risaaq Cumar Max’ed ayaa ka codsaday Golaha Baarlamaanka in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada si Dowladd ay ugu fududaato in ay xaqiijiso Amniga, sida uu sheegay Wasiirka Xeerkan ayuu ku tilmaamay in uu u fududeynayo in Hay’adaha amaanka ayq absadaan Shaqadooda haddii la meel mariyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO