DHAGEYSO:- C/llaahi Goodax Barre oo banaanka soo dhigay sir qarsooneyd, eedeyna u jeediyay Ciidamada Dowlada iyo AMISOM

0

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kulanka gaar ah oo ay hada Xarunta golaha Shacaba ku leeyihiin Xildhibaanada baarlamaan ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay ku fashilmeen iney Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolda Dalka.

Waxa uu sheegay in iminka Al-Shabaab ay dil u qabsanaya deegaano horay ay Dowlada gacanta ugu heysay.

Waxa uu xusay in deegaano badan oo gobolka Sh/Hoose ka tirsan ay maalmihiim dambe qabsadeen Al-Shabaab isla markaana aysan sharaf u ahayn Dowlada in deegaanada ay qabsadaan Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay dib u soo xoogeysteen Al-Shabaab, sidoo kalena waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in Ciidamada iyo Kuwa AMISOM ay baneeyeen deegaano muhiim ah isla markaana ay Al-Shabaab dib u qabsadaan deegaanadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-