Daawo Sawirada Tareen ka Xawaare dheereeya Diyaaradda

0

Dalka Australia ayaa soo saaray Tareen ka xawaare dheereeya Diyaaradaha,waxaana ay sheegayaan in Safarka Cirka uu daaho marka loo eego Safarka Dhulka ee Tareenka ay soo saareen hadda.

Anthony Albanese, oo ah Afhayeenka Shaqaalaha dhisay ama sameeyay Tareenkan ayaa sheegay in Dadka Reer Australia, ay hadda kadib awoodi doonaan in ay gudaha dalkooda safar sahlan ku heli doonaan,kaas oo ka fudud Diyaaradaha ay isaga kala gooshaan gudaha Dalkooda.

Tareennada ugu xawaaraha dheereeya ee la hayo ilaa hadda waxaa ay ka shaqeeyaan Waddamada kala ah: Japan, China, Russia, France, Poland iyo Uzbekistan.

Mareykanka ayaa wada dhismaha Tareenka lagu magacaabo California High-Speed Rail,waxaana uu yahay mid aan dhamaan oo wali socda.

Aragti laga ururiyay Dalka Autsralia ayey ku muujiyeen in Dowladda hadda jirta ay ka adeeg fiican tahay kuwii hore ee soo maray Dalka Australia,dhinaca horumarinta Bulshada.

Magaalooyinka Brisbane, Sydney, Canberra iyo  Melbourne ayuu Tareenkan kaliya isu mari doonaa 37 Daqiiqo kaliya,waxaana sidoo kale uu meelo laga raaco oo dadku iska diiwaan geliyaan ku leeyahay Gobollada kala duwan ee dalka Australia.

Magaalooyinka Melbone iyo Sydney  oo ay u dhaxeyso Masaafo dhan 250km/h  ayuu isugu mari doonaan daqiiqado,waxaana Tareennadii hore ay isu marayeen 2:40 Daqiiqo,Laba saac iyo afartan Daqiiqo.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Dhismaha Tareenkan ay ku baxday $68 billion oo Doollar,waxaana ay sheegtay in ay jiraan Tareenno kale oo la qorsheynayo in la bilaabo 2027,lana dhameeyo 2040ka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

T1-1 T2 T3 T4