Daawo Sawirada Dowlada Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Caruur ay hooyadood ku dhimatay Qaraxyadii Muqdisho

0

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo kala ah Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Axmed Xasan Gaboobe ayaa maanta  booqday Caruur ay dhashay Hooyo Soomaaliyeed ku dhimatay Qaraxii Afar Cisho ka hor ka dhacay Taaladda SYL ee Magaalada Muqdisho.

Caruurta oo gaaraya ilaa 7 Ruux ayaa waxaa  Nolol Maalmeedkooda u raadin jiray Allaha u naxariistee Isniino Maxamed Maxamuud oo ka shaqeyn jirtay  qeybta Nadaafadda Maamulka Gobolka Banadir,waxaana ay ka mid aheyd Dad Shacab ah oo ku dhintay Qaraxii SYL.

Wasiiradda maanta u tagay Caruurtaasi ayaa sheegay inuu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya si loogu Tacsiyeeyo Caruurta ay Hooyo la’aantu ku dhacday.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Axmed Xasan Gaboobe ayaa Caruurta ay Hooyadood dhimatay ku wareejiyay Lacag Kun Dollar ah oo loogu talo galay in Caruurta Biil looga dhigo,waxaana uu xusay in ay Xukumaddu wado Dadaalo kale oo lagu Ogaanayo Xaaladda Caruurta.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Dhaqaalaha Al-shabaab la siiyo ay siiyaan Ganacsato islamarkaana lagu waxyeeleeyo Ummadda Soomaaliyeed,waxaana uu soo jeediyay Shacabka Soomaaliyeed in ay Gacmaha is qabnsadaan .

Hoos ka Daawo Sawirada:-

IMG_20160301_105816 IMG_20160301_1057591