Booliska Dalka Dubai oo dib usoo celiyay haweeney Soomaaliyeed

0

Booliska magaalada Dubai ee wadanka isku taga imaaraadka carabta ayaa caawiyay gabar Soomaaliyeed oo lagu xiray magaaladaasi xili ay wadatay baasaboor aan jirin iyada oo kusii jeeday dalka UK oo ay dooneysay iney magalyo weydiisato.

Gabadha Soomaaliyeed ayaa lagu xayiray magaalada Dubai, markii booliska ay xireen hooyadeed bishii lasoo dhaafay, kadib markii laga waayay Baasaboorka ay laheyd.

Sareeye Guuto Saciid Xamad Bin Suleymaan agaasimaha saldhiga booliska ee Rashidiya ayaa sheegay in haweeneyda iyo canug ay wadatay la sii daayay halka hooyadeed lagu xiray saldhiga dhexe ee xaafada Rashiidiya.

Gabadha ayaa isku dayday  sidii hooyadeed lagu sii deyn lahaa, waxaana la sheegay iney kadib dacwo dheeri ah ay gashay.

Booliska ayaa xiriir lasoo sameeyay qaraabada gabadha oo Soomaaliya ku sugan, waxaana lala xiriiriyay Qunsuliyada Soomaalida ee Dubai iyadoo dib loogu soo celiyay  wadanka Soomaaliya.

Gabadha Soomaaliyeed iyo hooyadeed ayaa doonayay iney ka gudbaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai waxayna doonayeen iney kaga gudbaan dalalka Bahrain iyo UK.

Laakiin ciidamada booliska garoonka diyaaradaha ayaa waxay ka shakiyeen baasaboorka ay wadatay gabadha oo mid qaldan ahaa, sida booliska ay sheegeen.