Al-Shabaab oo shaaciyay iney Weerar ku yihiin Madaxtooyada kenya

0

Hogaamiyaha Xarakada Al-shabab ugu magacaaban wadanka Kenya ayaa soo saaray muuqal lasoo dhigay baraha internetka uu ku sheegayo inay bartilmaamaysan doonan xarumo waa weyn oo ay ku jirto aqalka madaxtooyadda wadankaasi Kenya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Ahmed Iman oo ah injineer kasoo jeeeda degaanka Majengo ayaa madaxiisa la dul dhigay 300shilinka Kenyanka ah.

Ahmed Iman ayaa ku hanjabay in Kenya ay arki doonto wixii ka dhacay xerooyinkii ciidamada AMISOM ee Uganda iyo kuwa Burundi.

Sarkaalkaan Al-shabab ugu magacaaban Kenya ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaashooda al hijra ay u diyaar garoobeen inay weeraraan xarumo muhiim u ah dowladda Kenya.

Waxa uu yiri hogaamiyahaan “Kenya waa ay ku waano qaadan wayday wixii lagu gaarsiyay El Cade balse waxaan ku beegsan doona xarumahooda muhiimka ah ee Kenya ku yaala”