DHAGEYSO XOG AY HESHAY KENYA:- Al-Shabaab oo weerar ku ah garoomada…

0

Heegan xoogan ayaa la galiyay laamaha amaanka dalka Kenya kadib markii sirdoonka Kenya ay heleen macluumaad ku aadan in weerar uu kusoo foodleeyahay garoomada diyaaradaha wadankaasi Kenya oo Al-shabab ay qorsheeyeen.

11-qof oo dagaalamayaasha Al-shabab oo Somalia ku tababartay ayaa la sheegay inay damacsan yihiin bilowga bisha March weeraro ay ka geestaan gudaha wadanka Kenya.

Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa ka digay bartilmaameedka inay noqon doonaan socdaalada gudaha ah,kuwa weerarka gesanaya ayaa iska soo dhigi doona kuwa rakaabka ah kuwaasi oo doonaya in naftooda ku qarxiyaan marka diyaarada koraan.

Afhayeenka ayaa xusay in 5-kamid ah kooxdaasi ay weerar ku yihiin garoonka Joma Kinyatta ama garoonka Welson halka kuwa soo haray ay isku dayayaan inay weeraraan garoomada kale ee ku yaal gobolka xeebta ee Moi.

Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyay in raga weerarka soo qaadaya ay so qaateen tababar aad u sareeya oo qaraxyo dhinaca hawada ah kaas oo ay u diyaar garoobeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO