WAR DEG DEG:- Suuqa Bakaaraha oo labo ruux lagu toogtay

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Xalay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha waxaa ay ku Dileen Labo Ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Burcad Dadka dhici jiray,iyadoo sidoo kale qabtay Qof kale oo la socday.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaan Dilka loo geystay ay wateen Mooto oo ay Dadka ku dhici jireen,waxaana Toogtay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kooxdaan ay Dhici jireen Dadka ku Ganacsata Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maalmahaan Howlgalo ka waday Qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.