TOP NEWS:- Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA oo aan Maanta hortagin Baarlamaanka Soomaaliya iyo Waqtiga ay hortagin Xildhibaanada oo la ogaaday

0

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa markii labaad maanta ka baaqsaday inay hortagaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sugayay inay su’aalo ka weydiiyaan arrimaha ammaanka dalka iyo tacadiyo loo geystay xildhibaanno ka dhoofayay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaano mooshin keenay Baarlamaanka ayaa ka dalbaday guddoonka inay hor yimaadaan Baarlamaanka wasiirka iyo taliyeyaasha NISA iyo Booliska, laakiin fadhigii ugu danbeeyay waxaa cudurdaar u diray wasiirka Amniga oo sheegay inuu Baarlamaanka tegi karo wixii ka danbeeya 25-ka Febraayo,taasoo haddana maanta baaqatay.

Wasiirka Amniga ayaa maanta mar kale qoraal u diray baarlamanka, isagoo ka cudurdaartay inaysan maanta imaan karin Baarlamaanka isaga iyo taliyeyaasha oo ay leeyihiin shirar dhinac amniga ah. Basle berito hortegi doonaan Baarlamaanka, waxaana sidaasi Baarlamaanka u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shirka guddoominayay