TOP NEWS:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Sweden..Ogow sababta

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Sweden, kadib markii uu casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Sweden.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in safarkii Madaxweynaha ku aadi lahaa Sweden uu dib u dhac ku yimid xaalada amni ee dalka awgiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu xalayna shir guddoomiyay kulan deg deg ahaa oo looga hadlayay xaaladaha ammaanka ee dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in habeenkii xalay uu qorshuhu ahaa in Madaxweynuhu ka dhoofo dalka Jabuuti oo uu kaga qeyb galay shirkii Madaxda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Intii uu dibada ku maqnaa Madaxweynuhu ayaa waxaa qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo Baydhabo, kaasoo ay ku dhinteen dad badan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu laga yaabo inuu qaado tallaabooyin is bedel loogu sameynayo xaaladaha amni ee Caasimada, iyadoo la hadal haayo xil ka qaadis lagu sameyn rabo Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Ma jirto war rasmi ah oo illaa iyo hada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku aadan baaqashada safarkiisa Sweden, hase ahaatee maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ay ka socotay Sweden, waxaana waday Jaaliyadda Soomaaliyeed oo olole xoog leh ugu jiray soo dhoweyntiisa.

Waa markii u horeysay oo booqasho rasmi ahaa uu Madaxweynuhu ka baaqdo, waxaana siyaasiyiinta qaar horay ugu eedeeyeen Madaxweynaha inuu safaro dibadeed oo qaarkood laga baaqsan karay uu ku tagay dalal dhowr ah.