TOP NEWS:- Ahlusunna Waljamaaca oo Hub ka dhigis ku sameynaya Saraakiil Taabacsan dowlada Soomaaliya

0

Wararka ka imaanaya Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Madaxda Ahlusuna waljamaaca ay amreen in ay hubka dhigaan Ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Liibaan Madaxweyne.

Sarkaalkaasi ayaa la rumeysan yahay in uu taabacsan yahay Siyaasiyiin ay Ahlusuna waljamaaca ka celiyeen garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud dhawaan kuwaasi oo ay ku jiraan xubno xilal horay uga soo qabtay Dowlada Soomaaliya.

Markii uu soo baxay warkaan shalay gelinkii dambe ee uu sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Dowladda ka biya-diiday dhaqan gelintiisa amarka Ahlusuna ayaa xiisado ka bilowdeen Magaalada dhuusamareeb taasi oo walaac ku beertay shacabka Magaalada dhuusabareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Wararka ay heshay shabelle ayaa sheegaya in arintan ay xalay kulan gaar ah ka yeeesheen xubno ka mid ah Madaxda maamulka Ahlusuna iyadoo uusan kulanka ka qeyb gelin Sarkaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo Maamulka Ahlusuna uu ku adkeysanayo in hubka laga dhigo Ciidamada uu wato.

dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in ay xiisado colaadeed ka jiraan degaanka Mareer-guur ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ay weerar ku qaadeen Ciidamada Amniga ee Maamulka Galmudug waxaana dhaq dhaqaaq ciidan bilaabay Maamulka Ahlusuna oo Ciidamadiisu aysan ka fogeyn deegaankaasi mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna waljamaaca.