Suuriya oo maanta gargaar la gaarsiinayo

0

Qaramada Midoobeey waxa ay sheegeysaa in maanta diyaaradeheeda ay ballaarinayaan gaarsiinta gargaarka ee dadka ku go’doonsan magaalooyiin kala duwan oo Suuriya ku yaalla.

Waxaa BBC-da loo sheegay in Qaramada Midoobeey iyo hay’adaha la shaqeeya ay hawada sare ka daadin doonaan cunto, biyo iyo daawo loogu talagalay in kabadan 150 kun oo qof.

Hadalkan Qaramada Midoobeey waxa uu imaanayaa iyadoo weli dalka Suuriya ay ka socdaan dalaallo lagu deminayo colaadda hureysa.

Laakiin dhinacyada ay xabad joojintaasi u dhexeyso ayaa midba midka kale ku eedeynaaya carqaladeynta xabad joojinta.

Balse, kooxda mucaaradka ugu weyn ee Suuriya waxa ay sheegeysaa in xaaladda hadda ay aad uga wanaagsan tahay ka hor xabad joojinta.

Haseyeeshee, diyaarado dagaal ayaa waxa ay duqeeyeen dowr jeer waqooyiga dalka Suuriya.

Dadka arrimaha Suuriya u ololeeya waxa ay aaminsan yihiin in duqeyntaasi ay ka dambeeyaan diyaaradaha Ruushka oo taageeraya xoogagga Bishaar Al-Asad.

Koox ka mid ah mucaaradka qunyar socodka ah waxa ay sheegeen in 15 jeer ay dowladda jebisay heshiiska xabad joojinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Cabduljubeyr, waxa uu sheegay in xaaladda Suuriya markale quwadaha caalamka lagala tashanaayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Philip Hammond, waxa uu dhankiisa sheegay in guusha xabad joojinta ay ku xirantahay xukuumadda Moscow.