Qoysaska Askartii Ku Dhimatay Weerarkii Ceelcade Oo Mag Dhow la siinayo

0

Gudoomiyaha Gobolka Busia ee dalka Kenya Sospeter Ojaamong ayaa sheegay in askartii Kenya ee ku geeriyootay weerarlkii Al Shabaab ay ku qaadeen bishii hore deegaanka Ceelcade ee gobalka Gedo qoysaskooda la siin doono lacago Magdhaw ah  oo gaareysa  50 Million  oo Shilinka Kenya ah qoyskiiba.

Al Shabaab  ayaa weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Ceelcade ku dilay in ka badan boqol Askari oo Kenya ah kuwaasoo qayb ka ahaa  howlgalka  AMISOM ee Somalia inkastoo dowladda Kenya aysan weli si rasmi ah u soo gudbin tiradi ciidamada Kenya kaga geeriyootay weerarkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Busia ayaa sheegay in haddii xildhibaan ka tirsan Kenya uu geeriyoodo qoyskiisa magdhaw loo siiyo 50 Million oo Shiling sidaasi si la mid ah ayuu sheegay in loo siiyo askarta dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa hadalkaasi ka jeediyey aas loo sameynayay askari ka tirsanaa ciidamada Kenya oo ka mid ahaa Askartii ku geeriyootay weerarkii Ceelcade.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Booliska iyo Milateriga ee Kenya ay xaq u leeyihiin in ay helaan Magdhaw maadaama ay u dhimanayaan ilaalinta shacabka reer Kenya.