Madaxweynaha Kenya oo ku sheegay Gobolka Gedo inuu gabaad u yahay Ururka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay Gobolka Gedo oo ku yaallo Koonfurta Somaliya inuu yahay meel ganbaad u ah Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah ciiddamo ka tirsan Amisom loo soo daad-gureeyo Gobalka Gedo, isagoo sheegay maqnaanshaha Amisom tahay sababta ay had iyo jeer Shabaab u soo weeraraan dalkiisa.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay ciidamada Amisom inay u baahan yihiin taageero dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda oo ay helaan si ay uga guuleystaan Shabaabka.

“Gobalka Gedo waxa uu gabbaad nabadeed u noqday Alshabaab, iyo in laga soo qaado weeraradda ka dhanka ah Ciiddankayga iyo dadka ku nool xuduudka labada waddan.” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo gocasho ka muujiyey Askartii badnayd ee ay Shabaab bishii hore ku dileen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Madaxweynaha Kenya, wuxuu horay u sheegay weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo inay ka dambeeyeen Qabiilka Mareexaan ee Dega Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo oo xuduud la leh dalka Kenya, ayaa dadka dega Gobolkaasi waxa ay dhibanayaal u yihiin weerarada dhanka cirka ah ee ay fuliyaan Diyaaradaha dalka Kenya.