Howgal dad badan lagu qabtay oo ka soconaya Magaalada Baydhabo

0

Howl-gal baaritaan ah ayaa ka bilowday Magaalada Baydhabo fiidnimadii xalay oo ay sameeynayeen Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo qabtay ilaa 5-dhalinyaro ah oo ku sugnaa guri ku yaala Nawaaxiga Afar Irdoodka Magaalada Baydhabo halkaasi oo shalay Qaraxyo ay ka dheceen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo oo hogaaminayay Howlgalka ayaa shabelle u sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro gaareysa ilaa 23-ruux oo lagu tuhmayay in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la siidaayay 18-ka mid ah oo la xaqiijiyay inaysan ku lug lahayn weeraradii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo,

Saldhiga Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo oo habeenimadii xalay ay tageen xubno ka mid ah Madaxda Maamulka K.galbeed ayaa lagu reebay ilaa5-dhalinyaro ah oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab inkastoo aysan Boolisku weli warbixin ku filan ka helin dhalinyaradaasi,

dadka loo soo qabtay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah Askari horay uga tirsanaa Ciidmada Dowladda ee Magaalada Baydhabo kaasi oo xiligaasi la sheegay in uu ku biiray Al-Shabaab,

dhinaca kale wararka laga helayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo aya sheegaya in ay korortay tirada dadkii ku dhintay weeraradii ka dhacay Magaalada oo ay dadka dhintay gaarayaan inkabadan 20 ruux halka dhaawaca uu ku dhow yahay 50-ruux oo qaar ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato,