Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Baydhabo+Fariin uu u diray shacabka iyo ciidamada

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yeeloobeen qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro shacabka ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarrada ka dhacay magaalada Baydhabo runtii waa ficil aan raad ku laheyn diinta Islaamka waana ficil Alle ka fogaansho midka ugu xun in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan la laayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay Al-Shabaab ka sameeyaan Soomaaliya sida magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa bartilmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isugu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amniga,waana waajib muqadas ah oo saaran qof walba oo Soomaali ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in Al-Shabaab looga adkaan karo marka ay shacabka iyo Ciidammada ammaanku si wadajir ah u howlgallaan waxaana uu Alle ka baryey in umadda Soomaaliyeed uu waafajiyo guusha,

—-DHAMMAAD—