DHAGEYSO WAREYSI:- Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo ka warbixiyay tirida dhaawacyada ee ku geeriyootay Isbitaalka

0

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baydhaba C.Fitaax Ibraahim Xaashi ayaa sheegay in Dadkii la geeyay Isbitaalka Baydhaba eek u dhaawacmay weerarradii shalay gelinkii dambe 8 ka mid ah ay ku dhinteen Isbitaalka 13 kalena iyaga oo Meyd ah loo keenay.

Agaasimaha ayaa sheegay in Dadka qaar ee uu dhaawac soo gaaray ay dhibtu ka gaartay madaxa halka kuwo kalena ay gubteen,waxaana uu intaa raaciyay in Dadkaasi uusan Isbitaalkooda waxbadan u qaban Karin Islamarkjaana ay u gudbiyeen Maamulka Koofur Galbeed si loogu qaado Magaalada Muqdisho.

C/Fitaax waxaa uu sheegay in Daawada Isbitaalka ay yartahay sidoo kalena Hay’adda ICRC ay siiso dawada Isbitaalka taas oo aan dabooli Karin Baahida Isbitaalka hadda ka jirta ee dhinaca dawo la’aanta ah.

Waxaa uu sheegay in Dhaawaca Isbitaalka la geeyay ay gaarayaan 60 Qof, waxaana uu intaa ku daray in 16 ka mid ah ay Xaaladooda adagtahay, kuwaas oo uu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ah ay ka codsadeen in loo qaado Muqdisho si halkaas loogu dabiibo.

HALKAAN KA DHAGEYSO