DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxydii shalay

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Isbitaalka Magaalada Baydhabo ku booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Shalay Magaalada ka dhacay ay waxyeeladu ka soo gaartay,kuwaas oo ka badan 60 Ruux.

Dhaawacyada ayaa la sheegay inuu qaadi waayay Isbitaalka Guud Ee Magaalada Baydhabo,iyadoo la dhigay Banaanka Isbitaalka oo ay Barxadaha hoos jiifaan.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Weerarkaasi Cambaareeyay,waxaana uu  Allah uga baryay inuu Caafimaad Deg Deg ah siiyo Dadka Weeraradasi ku dhaawacmay.

Dhanka kale ilaa 20 Ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la maanta loo soo qaaday Magaalada Muqdisho kuwaas oo ahaa kuwii ugu Liitay Dhaawacyada la geeyay isbitaalka Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Laamaha Ammaanka ka Codsaday in ay Xaqiijiyaan Ammaanka Magaalada Baydhabo.

HALKAAN KA DHAGEYSO